Maraykanka oo Ruushka ku eedeyay inuu kiimiko u adeegsanaya duullaanka Ukraine

0
232

Dowladda Maraykanka ayaa Ruushka ku eedeysay inuu hub kiimiko ah u adeegsanaya dagaalka uu weli ka wado gudaha dalka Ukraine.
Tani ayaa lagu tilmaamay in ay baal marsan tahay xeerarka caalamiga ee dagaalka.
Maraykanka ayaa ku doodaya in xukuumadda Moscow ay isticmaalaysa maaddada dadka naqaska ku dhejisa ee chloropicrin oo ay ku bartilmaameedsanaysa ciidamada qalabka sida ee Ukraine.
Kiimikadan oo qofka ka xannibta inuu helo hawo ayaa adkeysa in ruuxa uu hadlo , qufaco ama neefsada taasi oo ugu dambeyn ka dhigta mid miir daboolma oo geeriyooda.
Sidoo kale eedda Maraykanka waxaa qayb ka ah in la howlgeliyay wakiillo xakameynaya dibadbaxyada.
Waxaa uu intaasi ku daray in ugu yaraan 500 oo ka mid ah ciidamada Ukraine in laga daweeyay saameynta suntan halka midna uu u geeriyooday naqaska oo ku dhegay.
Maaddadan ayaa la adeegsanayay xilligii dagaalkii koowaad ee dunida.
Waxaa arrimahan bayaan ku sheegtay waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka oo sidoo kale shaacisay xayiraado ka dhan ah Ruushka.
Hasa ahaate xukuumadda Moscow ayaa eedeyntan iska fogeysay waxayna sheegtay in aynan lahayn kiimiko militari .