Baarlamaanka oo maanta ka doodi doono mooshin ka dhan ah Linturi

0
235

Xildhibaannada baarlamaanka dalka ayaa maanta ka doodi doono mooshin la doonaya in xilka looga qaado wasiirka wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha , Mithika Linturi.
Tani ayaa timid ka dib markii guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Moses Wetangula uu meel mariyay mooshinkan oo uu soo gudbiyay mudanaha deegaan baarlamaneedka Bumula ,Jack Wamboka .
Siyaasigan ayaa mooshinka u cuskanaya in wasiir Linturi uu u dhaqmay si aan laga filan sarkaal dowladeed oo bulshada u adeega ka dib markii uu ansixiyay in la soo iibiyo oo la qaybiyo bacrimin faalis ah.
Wamboka ayaa ku doodaya in wasiirka uu guddiga baarlamaanka ee arrintan baaraya la wadaagay macluumaad aan sax ahayn.
Guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetang’ula ayaa qoraal ku sheegay in mooshinka loo gudbiyay laga dheehan karo in wasiirka beeraha ee dalka uu ku tagriifalay awoodiisa .
Waxaa uu intaasi ku daray in maadaama xubnaha baarlamaanka ay laga billaabo berri aadayaan fasax hal bil ah in maanta ay yeelan doonaan kal-fadhi gaar ah oo looga doodaya xil ka xayuubinta Mithika Linturi.
Wasiirka oo horay u beeniyay in bacrimintu a faalis tahay ayaa ololaha xilka looga qaadaya ku tilmaamay mid siyaasadeysan oo aan marnaba walaac ku hayn.
Waxaa uu ku celceliyay in aan iskudaygan looga mashquulin doonin gudashada waajibaadka uu u igmaday madaxweynaha dalka William Ruto.
Mithika Linturi, wasiirka wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha ee dalka ayaa ballan qaaday in ka hor dhammaadka isbuucan la ogaan doono xaqiiqada la xiriirta hadal haynta ka dhalatay bacriminta.