Qayb ka mid ah Thika Superhighway oo la xiray

0
362

Maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee KENHA ayaa shaaciyay in la xiray qaybta Kahawa Sukari ee waddada wayn ee Thika.
Arrintan ayaa saameysay isku socodka gaadiidka ee waddadaasi inta u dhexeysa xerada ciidamada ee Kahawa Barracks iyo jaamacadda Kenyatta .
Tani ayaa loo aaneeyay biyaha daadadka oo saaka halkaasi waxyeelleeyay.
Maamulka KENHA ayaa ka digay iskuday kasta oo ku aaddan isticmaalka qaybta waddada ee ay fatahaadaha saameeyeen.
Gaadiidleyda ku wajahan Thika ayaa lagu wargeliyay in ay isticmaali karaan waddada Kiambu Road iyagoo dhanka Ruiru uga gudbaya Northern Bypass.
KENHA ayaa sheegtay in ay talasiin dheeraad ah bixin doonto marka ay biyaha yaraadaan.
Sidoo kale maamulkan ayaa shaaciyay in si degdeg ah loo xiray waddada Athi River iyo Namanga ka dib daad xooggan oo saameeyay aagga Kimalat oo xigay roob culus oo da’ay.