Ugu yaraan 6 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay masjid ku yaalla Afghanistan

0
506

Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 6 qof ay ku dhinteen weerar uu qof hubeysan ka gaystay masjid ku yaalla galbeedka dalka Afghanistan .
Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee wadankaasi
,Cabdul Mateen Qani ayaa sheegay in ninka toogashada gaystay aan weli haybtiisu la aqoonsan.
Waxaa uu rasaas ku furay dad masjidka ku cibaadeysanayay abaare 9-kii fiidnimo ee xalay.
Weerarka oo uu qof kale ku dhaawacmay ayaa laga soo tabiyay magaalada Andisheh ee degmada Guzara oo ka tirsan gobolka Herat ee dalka Afghanistan.
Ilaa iyo hadda ma jirta cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.