Israa’iil oo Qaza ku dishay in ka badan 34 qof

0
457

Duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka gaysatay Qaza ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 34 ruux.
Wakaaladda wararka ee dalka Falastiin ee WAFA ayaa sidatan ku warramaysa.
Saddex ka mid ah dadkan ayaa lagu dilay xerada qaxootiga ee Nuseirat halka 2 kale lagu dilay magaalada Qaza.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , waxaa duqeymaha ay weli Israa’iil ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 34,488 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 77,643 kale.