Ingiriiska oo sheegay in Xamaas loo bandhigay xabbad joojin 40 cishe ah

0
408

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska David Cameron ayaa sheegay in ururka Xamaas ee dalka Falastiin loo bandhigay in ay oggolaadaan xabbad joojin 40 cishe ah oo ka dhaqan gasha Qaza.
Israa’iil ayaa dhankeeda doonaysa in la gaaro heshiis lagu soo siidaynaya maxaabiista ay gacanta uga dhigtay Xamaas.
Ururka Xamaas ayaa dhankiisa ku adkeysanaya in la joojiyo colaadda iyo duqeymaha ay weli Israa’iil ka wado Qaza.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa dhankiisa sheegay inuu rajeynaya in Xamaas ay aqbasho soo jeedinta ku aaddan xabbad joojinta.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Masar Sameh Shoukry ayaa isna rajo wanaagsan ka muujiyay inuu rajeynaya in la gaaro is-afgarad la xiriira xabbad joojin ka dhaqangasha Qaza maadaama ay magaalada Qaahira dib uga billaabanayaan wada hadallada nabadeed.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo sida ay ku warramaysa warbaahinta caalamiga ee Aljazeera in qaar ka mid ah wasiirrada Israa’iil ay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uga digayaan inuu Xamaas kula heshiiyo isdhaafsiga maxaabiista.
Waxay ku andacoonayaan in tani ay burburin doonto xukuumadiisa.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore ay ugu yaraan 34,488 qof oo Falastiiniyiin ah ku dhinteen duqeymaha Israa’iil ee Qaza halka la dhaawacay 77,643 kale.