Madaxweynaha dalka oo xarigga ka jaray furitaanka daarta cusub ee baarlamaanka

0
902
created by photogrid

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta xarigga ka jaray furitaanka daarta cusub ee baarlamaanka ee Bunge Towers.
Waxaa uu xubnaha golaha qaran ee xeer dejinta ku boorriyay inay sare u qaadaan adeegga ay u fidinayaan dadweynaha.
Dr. Wiiliam Ruto ayaa xusay in baarlamaanka uu yahay inuu soo saaro sharciyo wax ku ool ah oo matalaad u ah Kenyaanka.
Dhismayahan ayay ku baxday dhaqaale dhan 9.6 bilyan oo shilin.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay inay badbaadii doonta malaayiin shilin sanad walba si loogu kireeyo xarumaha baarlamaanka.
Dhismahan oo ka kooban 28 dabaq ayaa waxa ku dhex yaalla waxyaabo muhiim u ah xildhibaanada oo ay ka mid yihiin goob jimicsi ah, goob qurux badan oo ay ku nastaan iyo makhaayad.