Nairobi: In ka badan 10 qof oo ku dhimatay xaafadda Mathare ka dib roobkii xalay da’ay

0
1051

Ka dib roob culus oo xalay ka da’ay ismaamulka Nairobi ayaa daadadkii ka dhashay, waxaa xaafadda Mathare ku nafwaayay in ka badan 10 qof.
Waxaa la la’ yahay 5 qof oo kale.
Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross ayaa sheegtay la soo samatabixiyay 18 qof.
Shakhsiyaadka la soo badbaadiyay ayaa isugu jiro 11 ruux oo waawayn iyo 7 carruur ah.
Waxaa weli socdo dadaallada lagu soo samatabixinaya shanta qof oo kale.
Waxaa howlaha samatabixinta iska kaashanaya koox ka tirsan waaxyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Hay’adda Laaqayrta Cas ee Kenya iyo dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi.