Golaha wasiirrada oo ku gacan sayray dalabaadka dhakhaatiirta

0
894

Golaha wasiirrada ee dalka oo shalay yeeshay kal-fadhi ayaa faahfaahin laga siiyay shaqo joojinta ay dhakhaatiirta wadanka ku guda jiraan in ka badan 40 cishe iyo ilaa 19 qodob oo ay cuskanayaan.
Afar ka mid ah qodobbadan ayaa u yaalla dowladda sare waxayna kala yihiin bixinta mushaaraadka ka maqan dhakhaatiirta, deeqaha waxbarasho ee heerka tacliinta ee postgraduate, caymiska caafimaad iyo lacagaha la siiyo ardayda soo bartay culuunta caafimaadka ee maray tijaabada shaqo ee loo yaqaano medical interns.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhammaan arrimihii ay isku hayeen ururrada dhakhaatiirta, ismaamullada iyo wasaaradda caafimaadka la xalliyay marka laga reebo qiimaha lacageed ee ay qaadanayaan ardayda soo bartay culuunta caafimaadka ee maray tijaabada shaqo .
Golaha wasiirrada ee dalka ayaa sheegay in aynan suurtagal ahayn in sida ay dhakhaatiirta dalbanayaan, mid kasta oo ardaydan ka mid ah bishiiba la siiyo 206,000 oo shilin.
Xubnaha golaha wasiirrada ayaa ansixiyay go’aankii dowladda ee ahaa in ardaydan ay qaataan 70,000 oo shilin.
Waxaa uu goluhu xusay in ardayda bartay culuunta kale ee ka shaqeeya waaxyaha dowladda la siiyo 25,000 oo shilin.