23 ka mid ah ismaamullada dalka oo ay daadad saameeyeen

0
377

Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross ayaa laga soo xigtay in tan iyo markii ay bishii hore gudaha wadanka ka billowdeen roobabka da’aya in ay saameyn soo gaartay 23 dowlad deegaan.
Tirada qoysaska ee ay saameeyeen roobabka iyo fatahaadaha ka dhashay ayaa ah 24,741.
Waxaa guriyahooda ka barakacay qoysas gaaraya 11,206.
Hay’adda ayaa qoraal ku sheegtay in la soo samatabixiyay ugu yaraan 188 ruux.
Waxaa biyaha ku leedhay 4,824 oo xoolo ah halka uu burburay dhul beereed ah in ka badan 27,716 eekar.
Meelaha saameynta roobabka laga dareemaya waxaa ka mid ah Xeebta, Bartamaha, Nairobi, Galbeedka,Rift Valley, aagga Harada Victoria,Koonfurta Bari iyo Waqooyi Bari.
Kenya Red Cross ayaa sheegtay in ay qaybisay waxyaabaha aan cuntada ahayn ee ay qoysasku isticmaalaan oo gaaraya 20,291.
1,425 ruux ayaa la gaarsiiyay gargaar caafimaad.
Sidoo kale waxaa la sameeyay xerooyin dhan 49 oo loogu talagalay in ay hooy ku meel gaar ah u noqdaan barakacayaasha gudaha dalka ee loo yaqaano IDPs.
Waxaa gargaar cunno la siiyay 364 qoysas ah halka la diray ilaa 16 milyan oo ah farriimaha gaaban ee SMS ee digniinnada horudhaca ah oo dadka loogu sheegaya in ay taxadaraan.