Baroordiiq loo qaban rabay Ogolla oo dib loo dhigay

0
276

Waxaa dib loo sii dhigay baroordiiq lagu waday in Jimcada oo ay taariikhdu ku beegan tahay 26-ka bishan Afaraad loo qabto taliyihii guud ee ciidamada difaaca dalka General Francis Ogolla .
Ciidamada difaaca wadanka ee KDF-ta ayaa bayaan ay soo saareen arrinkan shaaca uga qaaday.
Hasa ahaate ma aynan caddeyn sababta keentay in baroordiiqa dib loo sii dhigo.
Waxaa lagu waday in baroordiiqa lagu qabto goobta Ulinzi Sports Complex ee deegaan baarlamaneedka Langata ee ismaamulka Nairobi.
KDF ayaa sheegtay in maalmaha nagu soo aaddan la shaacin doono taariikhda la qabanaya baroordiiqa.
Axaddii la soo dhaafay ayay ahayd markii maydka General Francis Omondi Ogolla lagu aasay ismaamulka Siaya.
Taliyihii militariga dalka iyo 9 sarkaal oo kale ayaa galinkii dambe ee Khamiistii 18-kii bishan ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay dowlad deegaanka Elgeyo Marakwet.
Ogolla oo 62 sano jir ahaa ayaa ifka uga tagay xaaskiisi Aileen Kathambi Ogolla iyo labo carruur oo kala ah Lorna Achieng’ Omondi iyo Joel Rabuku Omondi Ogolla.