Wakiillada golaha hoose ee Wajeer oo berri yeelanaya kal-fadhi xilka looga qaadaya barasaabka ismaamulkaasi

0
445

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Wajeer ayaa wacad ku maray in berri ay yeelanayaan kal-fadhiga la qorsheeyay ee ku aaddan xilka qaadista barasaabka dowlad deegaankaas Maxamad Cabdi Maxamuud.
Waxay sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaameen eedeymo uu maanta guddoomiyaha u jeediyay oo ahayd in siyaasiyiiin ay adeegsanayaan wakiillada.
Barasaabka ayaa dhankiisa maanta sheegay in maxkamadda sare ee dalka laamaheeda Nairobi ,Garissa iyo Meru ay soo saareen amar wakiillada looga hor istaagaya in ay ka doodaan mooshinka xilka ka qaadista ilaa laga dhageysanaya dacwad looga soo horjeedo.
Hasa ahaate wakiillada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uunan jirin amar maxkamadeed oo lala wadaagay.