Dowladda oo isdhexgal u sameynaysa qaxootiga iyo kenyaanka

0
353

Afhayeenka dowladda dhexe , Issac Mwaura ayaa shaaciyay inuu jiro qorsho dowladeed oo isdhex gal loogu sameynaya bulshooyinka kenyaanka ah iyo qaxootiga la marti geliyay.
Waxaa dhaqangelinta qorshahan ka faa’iidaya in ka badan hal milyan oo qaxooti ah oo ku kala nool xeryaha Dadaab iyo Kakuma.
Isaac Mwaura ayaa bayaan ku xusay in arrinkan ay si gaar ah uga faa’iidi doonaan qiyaastii 700,000 oo qaxooti ah.
Mwaura ayaa sidoo kale sheegay in lagu dadaalaya dardargelinta nidaam dokumeentiyada muhiimka ah lagu siinaya 200,000 oo ah soo galooti si sharci darro ah wadanka ku yimid iyo ajaaniib soo barakacay.