Israa’iil oo sheegtay in laga soo weeraray dhanka Iiraan, Ciraaq iyo Yemen

0
327

Israa’iil ayaa sheegtay in ugu yaraan 300 oo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo looga soo weeraray dhanka Iiraan, Ciraaq iyo Yemen.
Waxay intaasi ku dartay in diyaaradaha iyo gantaallada badankoodu gacanta lagu dhigay.
Dowladda Iiraan ayaa dhankeeda sheegtay in ay weerarka fulisay iyadoo ka falcelinaysa howlgalkii ay Israa’iil 1-dii bishan Afaraad ee April ku bartilmaameedsatay qunsuliyadda Iiraan ee dalka Syria.
Waxay xukuumadda Tehraan hoosta ka xarriiqday in arrintaasi hadda lagu micnayn karo mid laga gudbay.