Ugu yaraan 19 qof oo lagu dilay Qaza

0
197

In ka badan 19 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Qaza halka la dhaawacay ugu yaraan 200 oo dheeraad ah.
Tani ayaa timid ka dib markii Israa’iil ay gaysatay 6 weerarro waawayn ah.
Sidoo kale , gudaha Daanta Galbeed waxaa weli socdo duqeymaha ay Israa’iil u gaysanaysa Falastiiniyiinta iyo guriyahooda.
Waxaa halkaasi lagu dhaawacay ugu yaraan 19 ruux oo kale.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , waxaa duqeymahaay weli Israa’iil ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 33,686 qof halka la dhaawacay 76,309 kale.