Booliiska Australia oo togtay nin mindi 5 qof ku dilay xarun ganacsi oo ku taalla Sydney

0
190

Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan 5 qof ay dhinteen halka dad badan laga cabsi qabo inay dhaawacyo soo gaareen ka dib markii nin mindi ku hubeysnaa uu toorriyeeyay dad ku sugnaa xarun laga dukaameysto ee ku taalla magaalada Sydney ee dalka Australia.
Booliiska wadankaasi ayaa laga soo xigtay in la toogtay ninka weerarka gaystay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in siddeed qof oo ay ku jiraan ilmo sagaal bilood jira ah iyo hooyadeed loola cararay isbitaalka ka dib markii uu weerarka dhacay.
Warbaahinta maxalliga ah ee dalkaasi ayaa sheegtay in rasaas laga maqlay gudaha suuqa Westfield ee ku yaalla isgoyska Bondi.
Booliiska New South Wales ee dalka Australia ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in adeegyada gurmadka degdega ah looga yeeray dhismaha Westfield Bondi wax yar ka hor 4-ta galabnimo ee maanta ee wakhtiga maxalliga ee wadankaasi.
Xarunta ganacsiga ee dhacdadan laga soo tabiyay ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dad ka dukaameysanayay markii falka uu dhacay.
Sidoo kale boqollaal qof ayaa laga daadgureeyay goobtaasi, iyadoo baraha bulshada la soo dhigay muuqaallo muujinaya dad badan oo cararaya.
Warkan waa uu isa soo taraya, wixii ka soo kordho halkan kala soco.