Ururka KUPPET iyo TSC oo heshiis wada gaaray

0
232

Ururka macallimiinta ee KUPPET iyo guddiga adeegga barayaasha ee TSC ayaa ku heshiiyay shuruudaha dallacsiinta in ka badan 30,000 oo macallimiin ah.
Macallimiintan ayaan in ka badan 7 sano la dallacsiin.
Sidoo kale ,TSC ayaa shaqaaleysiin doonto macallimiin dheeraad ah oo gaaraya 20,000 si loo kabo gaabadka dhanka tirada barayaasha ee ka jira dugsiyada loo yaqaano JSS.
Waxaa howshan ku bixi doonto in ka badan 7.8 bilyan oo shilin.
Heshiisyadan ayaa la gaaray ka dib wada hadallo 6 maalmood maqaaxida Sawela ee magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru uga socday wakiillada KUPPET iyo TSC.
Gudoomiyaha qaran ee ururka macallimiinta ee KUPPET Omboko Milemba ayaa sheegay in macallimiinta la dallacsiin doono sanad maaliyadeedka xiga laga billaabo bisha 6-aad ee sanadkan.
Xoghayaha Guud ee KUPPET,Akelo Misori ayaa dhankiisa sheegay in 2000 oo ka mid ah 20-ka kun ee la shaqaaleysiinaya la geyn doono deegaannada oomanaha ee loo yaqaano ASALS.
Waxaa uu intaasi ku daray in guddiga TSC uu sidoo kale oggolaaday in bisha koowaad ee sanadka 2025-ka si buuxda loo shaqaaleysiiyo 26,000 oo ah ardayda soo bartay macallinnimada ee la howlgeliyay sanadkii hore.