Dad looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dhacii loo gaystay Aadan Cali Maxamud xilli uu ku sugnaa xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi ayaa lagu soo warramayaa in meydadkooda laga kala helay meelo kala duwan oo ku kala yaalla magaalooyinka Nairobi iyo Kiambu.
Mid ka mid ah raggaan oo wiilka soomaaliyeed ku dhuftay rasaas islamarkaana dhaawacay ka dibna ka qaatay lacag dhan 3.9 milyan oo shilin ayaa meydkiisa wali la aasin halka nin lagu magacaabo jeylani Kibe la aasay maalinkii Talaadada ee toddoobaadkan kaas oo la sheegay inuu Islaam ahaa.
Dhanka kale waxaa iyaduna meydkeeda la helay gabadh saaxib la ahayd mid ka mid ah raggii dhaca fuliyay.
Iyadoo aan war rasmi ah laga heynin baaritaanada dhimashada burcadaasi ayaa haddana warbixin ka soo baxday goobta meydadka la dhigo ee City Mortuary ee magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay in dhammaan ay u dhinteen biyo ay ku qarqameen islamarkaana sambabada ka galeen.
Dhawaan ayay ahayd markii seddexdan qof ee meydadkooda la helay laga soo qabtay magaalada Mombasa xilli ay ku dadaalayeen in ay baabuur ku iibsadaan lacagihii ay dhaceen.
Home Wararka Kenya Rag dhawaan dhac wiil soomaaliyeed ugu gaysatay xaafadda Islii oo meydadkooda la...