Xoghayaha Guud ee COTU oo rajo wanaagsan ka muujiyey in Raila uu ku guulaysan doono xilka AU-da

0
209

Xoghayaha Guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee dalka ee (COTU) ,Francis Atwoli ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja- One Kenya Raila Odinga uu ku guulaysan doono xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.
Waxaa uu madaxweynaha dalka William Ruto ku bogaadiyay dadaalka uu ku bixinaya sidii uu Mr. Odinga jagadan ugala wareegi lahaa Moussa Faki Mahamat.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dadaallada madaxweynaha ay dhawaan miro-dhal noqon doonaan.
Francis Atwoli ayaa hoggaamiyaha wadanka uga mahadceliyay taageeridda musharraxnimada Raila Odinga in kastoo ay siyaasad ahaan kala aragti duwan yihiin.
Xoghayaha COTU ayaa tilmaamay in tani aan horay loo arag marka loo barbardhigo madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray.