DHAGEYSO:Waaxda saadaasha hawada oo ka digtay halista ka dhalan karto roobabka da’aya

0
423

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la rajeynaya in roobabka ka da’ay qaybo ka mid ah wadanka ay sii jiraan ilaa bisha Lixaad ee sanadkan.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday agaasimaha guud ee waaxda saadaasha hawada ee dalka Dr. David Gikungu.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay u badan tahay in roobabkan aysan si xoggaan u da’in.
Hasa ahaate, waxaa uu ka digay in saacado badan ay da’aan roobabkan, taas oo horseedi karta in daadad ay ka dhashaan.
Waxaa uu digniin u diray shacabka ku nool harada Victoria, gobollada Xeebta iyo Galbeedka dalka.
Dr. David Gikungu ayaa shacabka goobahan ku nool ugu baaqay inay taxadarraan.