Madaxa xisbiga Wiper kana mid ah hoggaamiyaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Kalonzo Musyoka ayaa dowladda ugu baaqay in ay xalliso shaqo joojinta ay dhakhaatiirta ku guda jiraan toddobaadkii saddexaad.
Waxaa uu ku taliyay in wasaaradda caafimaadka ay si buuxda u dhaqangeliso heshiiskii ay dhakhaatiirta la gashay sanadkii 2017-kii.
Mr. Musyoka ayaa hoosta ka xarriiqay in ay qasab tahay in la dhageysto oo la tixgeliyo tabashooyinka howlwadeennada caafimaadka .
Dhakhaatiirta shaqo joojinta ku guda jira ayaa dalbanaya in la dallacsiiyo sidoo kalena la shaqaaleysiiyo ardayda soo bartay culuunta caafimaadka ee qaatay tijaabada shaqo.
Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in dowladda dhexe ay awooddo inay fuliso waxyaabaha ay dalbanayaan howlwadeennada caafimaadka.
Waxaa uu tilmaamay inuu diyaar u yahay kala dhexdhexaadinta labada dhinac.