Wasiirka gaadiidka oo sheegay in dowladda dalka ay ka go’an tahay yareynta shilalka

0
333

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Kipchumba Murkomen ayaa sheegay in dowladda talada haysa ay ka go’an tahay in la yareeyo dhacdooyinka shilalka.
Waxaa uu kenyaanka ka codsaday in ay dulqaad muujiyaan inta arrinkan looga guulaysanaya.
Murkomen ayaa xusay in la adeegsan doono horumarka tiknolojiyadeed si loola socdo xawaaraha lagu kaxeeya baabuurta iyo dabacyirka lagu sameeyo gawaarida.
Wasiirka ayaa sheegay in markii uu hoggaanka wareejinayay madaxweynihii saddexaad ee dalka Mwai Kibaki ay dhimashooyinka ka dhasha shilalka waddooyinka ee sanadkiiba la diiwaangeliyo ay ahaayeen 3,500 halka ay gaareen ilaa 4,400.
Waxaa uu tilmaamay in wasaaradda gaadiidka ay si dhow u wada shaqeynayaan booliiska waaxda taraafikada iyo maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee (NTSA) si caqabaddan xal waara loogu helo.