Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenyaanka ku sugan India oo lagu wargeliyay in ay is diiwaangeliyaan

Kenyaanka ku sugan India oo lagu wargeliyay in ay is diiwaangeliyaan

Safiirka Kenya ku matalo dalka India Willy Bett ayaa muwaadiniinta halkaasi ku sugan ku wargeliyay in ay is diiwaangeliyaan .
Kenyaanka ku nool wadankaas ayaa laga doonayaa in ay safaaradda u gudbiyaan magacyadooda , nambarada baasaboorada, nambarada lagala xiriiri karo iyo sababta ay India u tageen.
Tani ayaa timid ka dib markii ay aad u kordheen xaaladaha caabuqa corona ee India.
Ambasadoor Willy Bett ayaa sheegay in diiwaangelinta cusub ay fududeyn doonto dabagalka , isla xisaabtanka iyo geeddisocodka go’aan qaadashada.
Bayaanka uu soo saaray safiirka waxaa ku cad in Kenyaanka joogo India laga doonayo in ay sameystaan baro dhanka whatsapp-ka oo ay ku wada xiriiri karaan.
Mr. Bett ayaa sheegay in ay faahfaahin dhamaystiran bixin doonaan ka dib marka la soo gabagabeeyo diiwaangelinta.
Wasaaradda caafimaadka ee India ayaa shalay sheegtay in tirada guud ee xaaladaha cudurka COVID19 ay gaartay 16.9 milyan halka dhimashada ka dhalatay xanuunkan ay ku dhowdahay 200,000.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments