Doorasho ka dhacaysa Kuwait

0
342

Shacabka dalka Kuwait ayaa maanta ka qayb qaadanaya doorasho ay ugu codeynayaan xildhibaannada baarlamaanka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo sanadihii ugu dambeeyay uu khilaaf siyaasadeed ka dhex jiray baarlamaanka iyo qoyska maamulo boqortooyada Kuwait.
Doorashada maanta qabsoomaysa ayaa ah midii ugu horreysay tan iyo intii uu hoggaanka la wareegay Sheikh Mishal al-Ahmad Al Sabah oo 83 sano jir ah.
Waxaa uu hoggaanka Kuwait qabtay bishii Diseembar ee sanadkii hore ka dib markii uu geeriyooday walaalkiis Sheikh Nawaf al-Ahmad Al Sabah oo Amiir ahaa.
Waxaa in ay codkooda dhiibtaan u qalma qiyaastii 835,000 qof oo ka mid ah ilaa 4.2 milyan oo Kuwait ku nool.
Sidoo kale waxaa kuraas gaareysa 50 u tartamaya ilaa 200 oo musharraxiin ah.