Iiraan oo wacad ku martay in ay ka aargoosan doonto Israa’iil

0
503

Dowladda Iiraan ayaa wacad ku martay inay qaadi doonto tallaabo aargoosi oo ka dhan ah Israa’iil.
Tani ayaa timid ka dib markii duqeyn dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka gaysatay qunsuliyadda Iiraan ee magaalada Dimishiq ee dalka Syria lagu dilay 7 sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada kacaanka oo labo ka mid ah ay taliyeyaal yihiin.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Iiraan Ayatollah Cali Khamenei ayaa sheegay in Israa’iil aan weerarkaasi looga hari doonin.
Waxaa sidoo kale duqeynta cambaareeyay madaxweynaha dalka Iiraan Ebrahim Raisi isagoo ku tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah sidaasi awgeedna laga falcelin doono.