Ra’iisul Wasaaraha Australia oo dalbaday in Israa’iil lala xisaabtamo

0
453

Ra’iisul Wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa dalbaday in Israa’iil lagula xisaabtamo duqeyn ay ku dishay samafale ka soo jeedday wadankaasi oo lagu magacaabi jiray Zomi Frankcom.
Haweeneydan ayaa ka mid ahayd 5 qof oo ka tirsan hay’adaha gargaarka oo ku geeriyooday weerar ka dhacay bartamaha Qaza ka dib markii ay halkaasi ka qaybiyeen gurmad cunno.
5-ta ruux mid ka mid ayaa ahaa darawal.
Albanese ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin dilka lagula kacay Frankcom.
Waxaa uu intaasi ku daray in waaxda arrimaha dibadda iyo ganacsiga ee Australia ay u yeertay safiirka Israa’iil si arrinkan wax looga waydiiyo.