Waxaa la xaqiijiyay dhimashada 10 qof ka dib shil xalay laga soo tabiyay waddada wayn ee u dhexeysa ismaamullada Nairobi iyo Mombasa.
Tani ayaa timid ka dib markii ay isku dhaceen ilaa 5 gawaari.
Shilka oo abaare 8:30 fiidnimo ee xalay ka dhacay aagga loo yaqaano Salama ayaa waxaa dadka ku nafwaayay ka mid ah canug 2 sano jir ahaa.
Madaxa isbitaalka Sultaan Hamuud Dr. Jane Mwende, ayaa sheegtay in halkaasi la geeyay meydadka sagaal qof iyadoo canugga oo ay dhaawacyo culus soo gaareen uu markii dambe geeriyooday.
Mwende ayaa sidoo kale xaqiijisay inay qaabileen dhaawac gaaraya 12 oo qaar ka mid ah loo wareejiyay isbitaalka Makindu.
Warbixinta saldhigga booliiska ee Salama ayaa muujinaysa in meydadka afar qof isla markiiba la helay halka inta kalena laga soo saaray baabuurta shilka ku burburay.
Shilka ayaa yimid ka dib markii wadaha mid ka mid ah baabuurta xamuulka oo ku wajahnaa dhanka Mombasa uu gaariga xakameyn waayay taasi oo keentay inuu ku dhaco gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda oo baabuur kale ku sii dhacay.
Dhanka kale arday dhiganayay dugsiga sare ee wiilasha ee Chavakali ayaa geeriyooday ka dib markii baska shirkadda Easy Coach oo loo kireeyay si uu xaafahooda dib ugu celiyo uu xalay ku gadoomay ismaamulka Kisumu.
Shilkan ayaa ka dhacay aagga loo yaqaano Coptic ee waddada u dhexeysa ismaamullada Kisumu iyo Kakamega .
Waxaa shilkan iyo khasaaraha ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay Charles Kisiengo, taliyaha booliiska ee Kondele.
Darawalka ayaa baabuurka xakameyn waayay xilli uu marayay isgoyska Mamboleo junction.
Waxaa isbitaalka guud ee Jaramogi Oginga Odinga ee Kisumu la geeyay 30 arday oo ay dhaawacyo soo gaareen halka 3 kale lagu daaweynaya xarunta caafimaadka ee Nightingale .




