DHAGEYSO:Raila oo ku boorriyay siyaasiyiinta ODM in ay joojiyaan ololaha ku aadan cida isaga beddelayso

0
429

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja One-Kenya Raila Odinga ayaa qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga ODM ugu baaqay inay joojiyaan ololaha ay wadaan ee ku aadan cida la wareegi doonta hoggaanka xisbigaasi haddii uu isaga ku guuleysto guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AU-da.
Waxaa uu walaac ka muujiyay siyaasiyiinta isku haya hoggaaminta xisbiga.
Raila ayaa ka digay hamiga xubno gaar ah ay hoos u dhigi karaan awoodda xisbiga ODM.

Barasaabyadii hore ee ismaamullada Mombasa iyo Kakamega ee kala ah Xasan Cali joho iyo Wycliffe Oparanya ayaa loolan adag ugu jira la wareegida hoggaanka xisbiga ODM.
Waxaa muddooyiinkii la soo dhaafay la arkayay siyaasiyiin isku haya hoggaaminta xisbigaasi.