DHAGEYSO:Mucaaradka dalka oo dalbanaya dhaqangelinta warbixintii guddiga wada hadallada qaran ee NADCO

0
272

Madaxa xisbiga Wiper kana mid ah hoggaamiyaasha sare ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya , Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in haddii aan la dhaqangelin warbixinta guddigii wada hadallada qaran ku qabanayay xarunta Bomas ee magaalada Nairobi ee NADCO ay dib ugu laaban doonaan waddooyinka si ay kenyaanka ugu hoggaamiyaan dibadbax ka dhan ah dowladda .
Kalonzo Musyoka iyo dhigiisa xisbiga DAP-K, Eugene Wamalwa ayaa isbeheysiga Kenya Kwanza ku eedeynaya inuu ka dambeeya go’aan ay dhawaan maxkamadda sare ku hakisay dhaqangelinta warbixintan.
Mr. Musyoka ayaa sheegay in haddii dowladda dhexe ay isku daydo faragelinta arrimaha IEBC inay dib u billaabi doonaan mudaaharaadyada.
Xilli uu ku sugnaa degmada Diani ee ismaamulka Kwale ayuu hoggaamiyaha Wiper sheegay in isbeheysiga Kenya Kwanza uu xoogga saaraya soo xulidda saraakiisha cusub ee guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC oo uunan mudnaan taasi la mid ah siinayn qodobbada kale ee warbixinta.

Waxaa uu madaxweynaha dalka William Ruto iyo hoggaamiyaha garabka mucaaradka ee Azimio Raila Odinga ugu baaqay inay cadeeyaan tallaabada xigta.
Mr. Musyoka ayaa sheegay in kenyaanka ay daaleen oo ay mudaaharaadyo ugu soo bixi doonaan sidii ka dhacday dalka Senegal.