Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ciidamada militariga ay isku diyaarinayaan in ay gudaha u galaan magaalada Koonfureed ee Rafah si ay halkaasi uga billaabaan duullaan dhanka dhulka ah.
Waxaa uu ehellada maxaabiista ay gacanta ku dhigtay Xamaas u sheegay in sida keliya ee ay dadkooda dib ugu heli karaan xurriyad ay tahay cadaadis militari.
Netanyahu ayaa bayaan ku sheegay inay qabsadeen Waqooyiga Marinka Qaza iyo Khan Younis.
Waxaa uu xusay in tallaabada xigtay ay tahay in ay magaalada Rafah ku qaadaan duullaan militari ee dhinaca dhulka ah.