Maxkamadda ayaa dib u dhigtay in ay go’aan ka soo saarto kiis ay wajahayaan senatarka ismaamulka Trans- Nzoia Allan Chesang iyo 6 qof oo kale.
Waxaa loo haystaa khiyaano maaliyadeed oo la rumeysan yahay in lagu lunsaday 221 milyan oo shilin.
Maxkamadda ayaa tallaabadan qaadday ka dib markii uu senatarka ka gaabiyay inuu iska soo xaadiriyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah.
Waxay maxkamaddu amar ku bixisay in dhageysiga kiiskan uu sii socdo inta u dhexeysa 4-ta ilaa 7-da bisha Lixaad ee sanadkan.