Dowladda oo amartay in la hakiyo daabacaadda waxyaabaha astaanta u ah waaxyaheeda

0
172

Madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Felix Koskei ayaa soo saaray wareegto uu wasaaradaha dowladda dhexe iyo waaxyaha hoos tago ku amraya in ay hakiyaan in qarash lagu bixiyo waxyaabaha astaanta u ah ama ay isku xayeysiiyaan.
Waxaa ka mid ah buugaagta wax lagu qorto,dalladaha , fanaanadaha, koobabka wax lagu cabbo , boorsadaha, xasuus qorka,jadwal sanadeedka iyo wax kasta oo lagu daabacay magaca wasaaradda ama waaxda si loogu aqoonsado ama ay ku suuqgeliso howlwaheeda.
Amarkan ayaa looga gol-leeyahay in lagu yareeyo qarashaadka ku baxa howlaha dowladda si waafaqsan xeerka maaliyadda ee sanadkan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu shalay madaxweynaha dalka William Ruto madaxda shirkadaha dowliga ah uu ku amray inay boqolkiiba 30 dhimaan miisaaniyadooda.