Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xaqiijiyay in maamulkiisa uu sii wadaya howlgallada qaran ee lagula dagaallamaya ka ganacsiga iyo isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya.
Ruto ayaa sheegay in dhibaatadan ay khatar ku tahay kobcinta dhaqaalaha wadanka .
William Ruto ayaa cadeeyay in ay ka go’an tahay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado shakhsiyaadka doonaya in ay mustaqbalka dhallinyarada ku burburiyaan isticmaalka maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.
Waxaa uu ku celceliyay in aan marnaba la soo afjari doonin howlgallada socdo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu dhawaan wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki sheegay in la xiray 18,650 oo ah goobaha baararka ah ee lagu caweeyo.




