Madaxweynaha dalka oo amray in boqolkiiba 30 la dhimo miisaaniyadda waaxyaha dowladda

0
191

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa madaxda waaxyaha iyo shirkadaha dowliga ah ku amray in ay boqolkiiba 30 dhimaan miisaaniyadda dhaqaale ee loo ansixiyay inay isticmaalaan.
Amarkan ayuu bixiyay xilli uu maanta madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi kula kulmay mas’uuliyiintan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in laga soo gudbay xilligii ay sii shaqeyn jireen shirkado dowladeed oo aan sameyn koror dhaqaale.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay qasab tahay in waaxyaha uu dakhli dheeraad ah soo galo aynan ku tagriifalin lacagaha dadweynaha.
William Ruto ayaa xusay in ay qasab tahay in dhammaan laamaha dowladda qarashaadka ay isticmaalaan uunan ka badan dhakhligooda.
Waxaa uu tilmaamay in ay jiraan shirkado dowli ah oo sanado badan diiwaangelinayay khasaare taasi oo culeys ku noqotay wasaaradda maaliyadda ee dalka.
Hoggaamiyaha Kenya ayaa sheegay in hadda la xasiliyay dhaqaalaha wadanka sidaasi awgeedna aynan jirin sabab ay dowladdu u qaadato amaah dheeraad ah.
William Ruto ayaa si cad u sheegay in lacagaha soo galo shirkadaha dowladda aynan lahayn guddiyada maamulo balse shacabka kenyaanka ee canshuur bixiyeyaasha ah.
Waxaa uu arrin laga qoomameeyo oo aad u badan sidoo kalena caqabad ku ah bixinta adeegyada shacabka ku tilmaamay in si aan habbooneyn loo isticmaalo kheyraadka qaranka.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya , miisaaniyadda dowladda iyo qarashaadka ku baxa howlaheeda kala duwan lagu sameyn doono dabagal qoto dheer.
Sidoo kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in laga faa’iidaysan doono horumarka tiknolojiyadeed si loola socdo siyaabaha aan munaasabka ahayn ee lacagaha lagu bixiyo.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in tallaabada lagu dhimaya qarashaadka ay isticmaalaan waaxyaha hoos tago dowladda dhexe ay ka hor tag u noqonaysa in la qaato deymo laga maarmi kara sidoo kalena ay dardargelinaysa qorshaha horumarineed ee dowladda.
Sidoo kale madaxweyne William Ruto ayaa tilmaamay in dowladdu ay guda geli doonto geeddisocod ballaaran oo la isku waafajinaya shaqooyinka kala duwan ee waaxyaheeda .
Waxaa uu sheegay in ay qasab tahay in saddex sano gudaheeda ay Kenya adeegsato miisaaniyad isku dheelli tiran xita haddii la xiraya shirkadaha aan macaash sameyn.
Amarka kale ee uu madaxweyne William Ruto maanta bixiyay ayaa ah in waaxyaha ganacsiga ee dowladda ay wixii hadda ka dambeeya wasaaradda maaliyadda ku wareejiyaan boqolkiiba 80 ee dakhliga macaashka ah ee soo gala ka dib marka la canshuuro.
Waxaa uu sheegay in dib laga faahfaahin doono qaabka loo adeegsanaya lacagta kale ee ah boqolkiiba 20.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay qasab tahay in dhammaan shirkadaha dowladda ay amarradan u hoggaansamaan maadaama aynan jirin cid sharciga ka sarreysa.
Ugu dambeyntii , madaxweyne William Ruto ayaa xaqiijiyay in maamulkiisa ay ka go’an tahay adeegsiga qaabka ugu wanaagsan ee maareynta maaliyadda iyo xoojinta isla xisaabtanka.
Waxaa uu daneeyayaasha kala duwan ka codsaday in ay muujiyaan habdhaqan wanaagsan oo dhanka maaliyadda ah oo ay door ka qaataan xasilinta dhaqaalaha wadanka.