DHAGEYSO:Madaxweynaha oo loogu baaqay xallinta shaqo joojinta dhakhaatiirta

0
171

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Nyando ee ismaamulka Kisumu Jared Okelo ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ka codsaday inuu qaado tallaabo lagu soo afjaraya shaqo joojinta ay ku guda jiraan dhakhaatiirta wadanka.
Mudanaha ayaa sheegay in kenyaanka ay dhibaatooyin kala kulmayaan shaqo joojinta ay toddobaadkii labaad ku guda jiraan xubnaha ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU.
Maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ayuu ku eedeyay inuu ka gaabiyay xallinta ismari waaga dhakhaatiirta kala dhexeeya wasaaradda caafimaadka ee dalka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Xoghayaha Guud ee ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU Dr.Davji Atellah uu wacad ku maray in aynan shaqo joojinta soo afjari doonin ilaa iyo inta laga howlgelinaya ardayda soo bartay culuunta caafimaadka ee qaatay tijaabada shaqo.