Hoggaamiyaasha caalamka oo soo dhaweeyay xabbad joojin ka dhaqan galaysa Qaza

0
183

Madaxda kala duwan ee caalamka ayaa soo dhaweeyay tallaabadii ay xubnaha golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC shalay ku ansixiyeen qaraar xabbad joojin ah oo ka dhaqan galaya Qaza.
Xoghayaha Guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa António Guterres ayaa sheegay in ay qasab tahay in qaraarkaasi la dhaqangeliyo.
Waxaa uu sheegay in haddii aan qaraarkan lagu tallaaba qaadin aan la is cafin doonin sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa arrinkan codkooda ku taageeray 14 ka mid ah xubnaha golaha UNSC waxaana ka gaabsatay dowladda Maraykanka oo xulafo la ah Israa’iil.
Hasa ahaate saraakiisha Israa’iil sida Benny Gantz oo xubin ka ah golaha wasiirrada ee dagaallada ayaa sheegay in qaraarka shalay la ansixiyay uunan micno wayn lahayn sidoo kalena lahayn muhiimad dhanka howlgallada ah.
Waxaa uu Gantz baraha bulshada ku soo qoray in ay sameynayaan wax kasta oo sax ah marka la eego amniga Israa’iil.