Waxaa lagu soo warramayaa in dowaldda Ruushka ay dacwad ku soo oogtay afar nin oo ay ku sheegeen inay weerar ku dileen ugu yaraan 137 qof halka ay dhaawaceen in ka badan 180 qof oo kale.
Shakhsiyaadkan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin dableyda weerartay hoolka bandhig faneedka ee caasimadda Moscow ayaa ka soo hor muuqday maxkamad, iyadoo sida muuqata jirdil xun loo gaystay eedeysanayaasha.
Mid ka mid ah eedeysanayaasha ayaa u muuqday in miyirkiisu uu liitay.
Eedeysanayaasha ayay maxkamadda ku soo oogtay in ay galeen fal dambiyeed la xiriira argagixisanimo.
Maxkamadda ayaa intaasi ku dartay in labo ka mid ah eedeysanayaasha ay qirteen dacwadda lagu soo oogay.
Ruushka ayaa baroordiiq u sameynaya in ka badan 133 qof oo lagu dilay weerar Jimcihii ka dhacay caasimadda wadankaasi ee Moscow.
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in ay si wayn u aargoosan doonaan.