Waaxda qaran ee adeegga booliiska dalka NPS ayaa sheegtay in la billaabay howlgallo lagu baadigoobayo askari ka tirsan ciidanka booliiska oo uu qaaday daadad ka dhashay roob xalay si xooggan uga da’ay caasimadda wadanka ee Nairobi.
Askariga ayuu dadka qaaday xilli uu ku guda jiray badbaadinta dad waddada marayay.
Sarkaalka oo lagu magacaabo David Chesire oo uu fadhigiisu yahay saldhigga booliiska ee Kamukunji ee ismaamulka Nairobi, ayaa goob ganacsi oo ay ku sugnaayeen ka soo badbaadiyay afar qof oo isugu jiray saddex dumar ah iyo ilmo yar.
Waxaa sidoo kale socda howlgal lagu raadinaya qorigii uu watay sarkaalka oo uu daadku qaaday.
Warbixin horudhac ah ayaa muujinaysa in sarkaalka ay la tageen daadka ka dhashay roobka ka dib markii uu god ku dhacay.
Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa, xilli waaxda saadaasha hawada ee dalka ay sheegtay in la rajeynaya in ilaa iyo Arbacada ay qaybo badan oo wadanka ka mid ah roobab culus ka sii da’aan, iyadoo dadweynaha lagu boorriyay inay taxadaraan.