DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay inay ka go’an tahay wanaajinta nolosha kenyaanka

0
166

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay in la wanaajiyo nolosha kenyaanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladdu aynan marnaba ka gaabin doonin fulinta mashaariicda wadanka horumar u horseedaya.
William Ruto ayaa sheegay in si kasta oo loo dhaliilo aan tani laga hor istaagi karin.
Arritan ayuu ka sheegay kaniisad ku taalla xaafadda Bahati ee deegaanka Makadara ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu tilmaamay in sababta uu hoggaanka u qabtay ay tahay inuu isbeddel sameeyo.