Dadkii lagu dilay weerarkii Moscow oo loo baroordiiqaya

0
193

Waxaa dalka Ruushka baroordiiq loogu sameynaya in ka badan 133 qof oo lagu dilay weerar Jimcihii ka dhacay caasimadda wadankaasi ee Moscow.
Falkaasi oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay koox gacan saar la leh kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS oo loo yaqaano Islamic State Khorasan Province (ISIS-K) ayaa waxaa ku dhaawacmay in ka badan 150 qof oo kale.
Maamullada ammaanka ee Ruushka ayaa sheegaya in la xiray 11 qof oo weerarkaasi lala xiriirinaya.
Waxaa dadkan ka mid ah afartii qof ee hubeysnaa ee horay loo qabtay.
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in ay si wayn u aargoosan doonaan.