19 dugsi oo amni darro awgeed loogu xiray Baringo

0
460

Waxaa albaabada loo laabay 19 dugsi oo ku yaalla Waqooyiga ismaamulka Baringo .
Xarumahan ayaa la xiray saddex bilood gudahooda ka dib markii ay kordheen falalka amni darrada ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa sidatan xaqiijiyay agaasimaha waxbarashada ee Baringo Japheth Masibu.
Agaasimaha ayaa sheegay in dugsiyadan badankoodu ay noqdeen kuwo ay ardayda iyo macallimiinta iskaga carareen iyagoo ka cabsi qabo weerarrada kooxaha burcadda ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qoysas badan ay aaggaasi ka qaxeen iyagoo carruurtooda ka saaray xarumaha waxbarashada.
Dugsiyada la xiray ayaa isugu jiro kuwo hoose dhexe iyo kuwo sare.
Isku duwaha amaanka ee gobolka Rift Valley, Cabdi Xasan ayaa qoysaska toddobaadyadii ugu dambeeyay ay falalka amni darro guriyahooda ka barakiciyeen ku sheegay in ka badan 2,000 oo qoysas ah.