Doorasho guud oo maanta ka dhacaysa Senegal

0
247

Shacabka dalka Senegal ayaa maanta ka qayb qaadanaya doorasho guud oo ay ugu codeynayaan madaxweynaha Shanaad ee hoggaanka wadankaasi qabanaya.
Waxaa markii ugu horreysay taariikhda Senegal aan loollanka qayb ka ahayn madaxweynaha hadda xilka haya Macky Sall.
Isbeheysiga hoggaamiya wadankaasi ayaa musharraxa ku matalaya u tartamidda hoggaanka ugu sarreya u soo xushay Ra’iisul Wasaare hore Amadou Ba oo 62 sano jir ah.
Waxaa in ay codeeyaan isku diiwaangeliyay 7.3 milyan oo qof.
Goobaha codbixinta oo furmay abaare 8-dii subaxnimo ayaa la soo xiri doonaa 6-da maqribnimo.
Marka ay codeynta soo idlaato,waxaa durbaba la billaabi doonaa tirinta codadka iyadoo natiijada horudhaca ah la filaya 26-ka bishan.
Musharraxiinta kale ee xilka madaxweynenimo ee dalka Senegal ayaa kala ah Bassirou Diomaye Faye oo 43 sano jir ah oo horay madax uga ahaa waaxda canshuuraha,duqii hore ee magaalada Dakar Khalifa Sall, Anta Babacar Ngom oo horay ganacsata u ahayd iyo rugcaddaa siyaasadeed Idrissa Seck oo kaalintii labaad ka soo galay loollaankii madaxtinnimo ee sanadkii 2019-kii.