Madaxweynaha dalka oo sheegay in la qabtay bacrimin ay tayadeedu hooseysa

0
255

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay shakhsiyaad doonayay in ay ka faa’iidaystaan barnaamijka ay dowladda dhexe beeralayda ugu qaybinaysa bacrimin qiimaheedu la dhimay.
Xilli uu shir maalgelineed uga qayb galay ismaamulka Kakamega ee galbeedka wadanka ayuu William Ruto hoosta ka xarriiqay in aan cidna laga oggolaan doonin inay beeralayda ka iibiso bacrimin aan tayo ahaan wanaagsanayn.
Waxaa uu xusay in cidii falkan isku dayda laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray in la billaabay baaritaano ku aaddan sida ay ku dhacday in qof ganacsade ah uu bakhaarka qaran ee lagu kaydiyo dalagga ee NCPB ku wareejiyay bacrimin aynan tayadeedu gaarsiisnayn heerkii loogu talagalay oo faalis ah.
Waaxda tayadhowrka ee dalka ee (KEBS) ayaa baarlamaanka dalka u sheegtay in ganacsadaha uu khiyaano sameynayay muddo sanad ah.
Agaasimaha guud ee KEBS Esther Ngari ayaa guddiga arrimaha beeraha ee baarlamaanka u sheegtay in shirkadda ganacsi ee bacriminta gaystay bakhaarka qaran ee NCPB ay markii hore buuxisay shurudihii laga doonayay taasi oo horseedday in shati ganacsi la siiyo balse ay markii dambe khiyaano ku kacday.
Waaxda KEBS ayaa xustay inay guda gashay baaritaano ka dib markii la qabtay 5,840 oo ah kiishashka bacriminta been abuurka ah.