In ka badan 23 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen daadad iyo dhul go’ saameeyay dalka Papua New Guinea.
Tani ayaa timid ka dib roobab culus oo halkaasi ka da’ay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saameynta ugu badan ee daadadka iyo dhul go’a laga soo tabiyay gobollada buuraleyda iyo xeebta wadankaasi.
Dadka dhintay waxaa ka mid ah hooyo iyo canugeeda oo ku geeriyooday gobolka Chimbu sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay agaasimaha guud ee xarunta qaran ee maareynta musiibooyinka ee dalkaasi Lusete Man.