Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka oo booqan doono Sacuudi Carabiya iyo Masar

0
195

Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa toddobaadkan safar ku tagi doono Sacuudi Carabiya iyo Masar.
Waxaa uu mas’uuliyiinta waddamadan kala hadli doonaa dadaallada ku aaddan in la gaaro heshiis ay xabbad joojin uga dhaqangeli karto Qaza iyo in la kordhiyo gargaarka baniaadannimo ee loo fidinaya Falastiiniyiinta.
Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Matthew Miller ayaa sheegay in Blinken uu berri magaalada Jeddah kula hadli doono madaxda boqortooyada Sacuudi Carabiya ka hor inta uunan Khamiista u sii gudbin Qaahira.
Socdaalkan ayaa noqonaya midkii 6-aad ee uu xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ku tagaya Bariga Dhexe tan iyo markii uu 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii billowday duullaanka militari ee Israa’iil ee Qaza.