Waaxda saadaasha hawada oo sheegtay in uu jiri doono heerkul sarreeya

0
454

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa maanta sheegtay in maalmaha ka harsan bishan Saddexaad uu maalinkii jiri doono heerkul ka sarreeya 30 degrees Celsius.
Xaaladdan ayaa laga dareemi doonaa gobollo dhowr ah oo ka tirsan Kenya.
Waaxda saadaasha hawada ayaa si gaar ah u sheegtay in heerkulka sarreeya uu saameyn doono ismaamullada Turkana, Samburu, Marsabit, Mandera, Wajeer, Isiolo, Garissa, Tana River, Lamu, Kilifi, Nairobi, Bungoma, Kakamega, Busia, Vihiga iyo Narok .
Waxay intaasi ku dartay in qaybaha dalka badankoodu ay sii ahaan doonaan kuwo qallalan oo ay qorraxdu kulushahay.
Hasa ahaate waaxda ayaa hoosta ka xarriiqday in la rajeynaya in roobab intii hore ka badan ay ka da’aan buuraleyda bartamaha , Koonfurta Galbeed ee Kenya , Xeebta iyo meelaha hooseeya ee Koonfurta Bari.
Sidoo kale qaybo ka mid ah ismaamullada Nyandarua, Laikipia, Nyeri, Murang’a iyo Kirinyaga ayaa waxaa la filayaa in habeenkii uu heerkulkooda ka hooseeyo 10 degrees Celsius.
Inta u dhexeysa maanta oo Talaado ah ilaa 25-ka bishan waxaa la rajeynaya in roobab heer dhexe ah ay ka da’aan qaybo ka mid ah ismaamulka Nairobi sida deegaannada Kamukunji, Makadara, Galbeedka Embakasi, Bartamaha Embakasi iyo Waqooyiga Embakasi .
Waaxda saadaasha hawada ayaa shacabka ku nool meelaha ay u badan tahay in ay roobab ka da’aan ku boorrisay inay taxaddar muujiyaan.