Israa’iil oo xalay dishay in ka badan 60 qof

0
210

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in weerarro ay xalay Israa’iil ka gaysatay Falastiin lagu dilay ugu yaraan 61 ruux.
Waxay intaasi ku dartay in 12 qof oo dadkan ka mid ah oo hal qoys ka wada tirsanaa lagu dilay gurigooda oo ku yaalla magaalada Deir al-Balah ee Qaza.
Wasaaradda ayaa tirada Falastiiniyiinta ee tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii lagu dilay duqeymaha Israa’iil ku sheegtay ugu yaraan 31,645 qof.
Waxaa tani qayb ka ah 92 ruux oo la dilay hal maalin ka hor halka tirada guud ee dadka la dhaawacay ay tahay 73,676.
Dhanka kale wufuudda Masar ayaa laga soo xigtay in la filaya in wada hadallada la xiriira heshiis xabbad joojin oo dhaqan gala ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ay maanta dib uga billowdaan dalka Qatar.