Dowladda dalka Niger ayaa shaacisay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u jebinaysa heshiiskii iskaashi ee dhanka militariga ee ay la gaartay Maraykanka.
Tani ayaa timid hal maalin un ka dib markii ergey sare oo matalayay Maraykanka uu iskaga baxay Niger.
Waxaa dalkaasi ka talisa dowlad militari oo hoggaanka kula wareegtay qaab afgembi ah taasi oo xiriir dhow la leh Ruushka.