Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenya oo ka mid ah wadamada maanta laga xusaya maalinka duumada adduunka

Kenya oo ka mid ah wadamada maanta laga xusaya maalinka duumada adduunka

Dalka Kenya ayaa ka mid ah wadamada maanta looga dabaaldegaya maalinka adduunka ee cudurka duumada ama malaariyada oo sanad kasta la xuso taariikhda marka ay ku beegan tahay 25-ka bisha Afaraad.
Hal-kudhigga xuska maalinka duumada adduunka ee sanadkan ayaa ah in ciribtirka cudurkan ay tahay mas’uuliyad shakhsiyadeed.
Labadii daqiiqo waxaa cudurka duumada u dhinto hal canug halka gudaha dalkani Kenya sanad kasta laga diiwaangeliyo 3.5 milyan oo ah xaaladaha cudurka iyada oo ay u dhinteen 10,700 qof.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa la filayaa in uu maanta faahfaahin ka bixiyo tallaabooyin ay dowladda dhexe kula tacaalayso malaariyada.
Kenya ayaa ka mid ah afar dal oo ku yaalla qaaradda Afrika oo ku dhawaad 5,000 oo carruur ah lagu tijaabin doono tallaal ka dhan ah duumada kaasoo waxtarkiisu lagu sheegay boqolkiiba 77 .
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa dhankeeda sheegtay in xanuunkan la dabar gooyn karo hadii dhaqaale ku filan loo qoondeeyo dadaallada lagula dagaallamaya.
In kasta oo duumada ay leedahay ka hor tag iyo daaweyn labaduba haddana waxaa halis ugu jiro in ka badan 3 bilyan oo qof.
Sida laga soo xigtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO sanadkii 2019-kii waxaa caalamka laga diiwaangeliyay qiyaastii 229 milyan oo ah kiisaska cudurka duumada waxaana u dhintay 409 000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments