Ciidamada booliiska ee deegaanka Kilgoris ee ismaamulka Narok ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah wadayaasha dhugdhugleyda.
Tani ayaa timid ka dib markii uu shakhsigan xaqiijiyay inuu meel geeyay labo sarkaal oo ka mid ahaa waaxda asluubta dalka kuwaasi oo lagu dilay tuulada Olemismis ee degmada Metinkuar.
Saraakiisha dambi baarista ayaa raadinaya eedeysanaha ugu muhiimsan ee falkaasi oo lagu magacaabo Pius Lemiso Ndiwa.
Shakhsigan oo horay uga tirsanaa waaxda asluubta ee dalka ayaa ku eedeysan inuu wiilashiisa u sheegay in labada askari ee la dilay oo qorsheynayay inay gurigiisa ugu tagaan aynan ahayn saaxiibadiisa balse tuugo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ndhiwa uu labada qof muddo ka dhuumanayay maadaama uunan bixin lacag ay ku lahaayeen.
Ka dib markii ay halkaasi tageen ayaa saraakiisha laga takhalusay.
Waxaa uu qorshuhu yahay in berri qalliin baaritaan ah lagu sameeyay meydadka labada qof ee la dilay halka sidoo kale maxkamadda la soo taagi doono 5 eedeysanayaal oo kale oo dhacdadaasi lala xiriirinaya.




